HomeWararSawirro:- Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka qeybgalay Sanad guurada 21-aad ee golaha...

Sawirro:- Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka qeybgalay Sanad guurada 21-aad ee golaha Abwaannada Soomaliyeed

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta ku baaqay in la qoro, lana keydiyo Riwaayadaha ay sameeyaan Abwaaniinta Soomaaliyeed, si ay Bulshadu u barato Taariikhda Fanka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha oo ka qeyb galay xuska Sanad guurada 21-aad ee golaha Abwaannada Soomaliyeed oo 19 September, laguna qabtay  xarunta Academyada cililmiga Fanka iyo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta ku baaqay in la qoro, lana keydiyo Riwaayadaha ay sameeyaan Abwaaniinta Soomaaliyeed, si ay Bulshadu u barato Taariikhda Fanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galay xuska Sanad guurada 21-aad ee golaha Abwaannada Soomaliyeed oo 19 September, laguna qabtay  xarunta Academyada cililmiga Fanka iyo Suugaanta, ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo keyd Fan iyo oo buuxa.

- Advertisement -

Mudane;Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in Taariikhda Fanka ee Caalamku ay leedahay keyd isugu jira mid duuban iyo mid qoran, halka Soomaaliyana anay jirin cid isku howsha, isagoo ku baaqay in dhammaan Suugaanta Soomaaliyeed loo sameeyo diiwaanno si loo tixraaco uguna faa’iideystaan Ardayda wax ka barata Duwgiyada iyo Jaamacadaha Dalka.

Waasirka warfaafinta  dhaqanka iyo dalxiiska Soomaliya mudane; Mohamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa isna sheegay in Abwaanka Soomaliyeed uu yahay mid aan sinnaba looga maarmin marka la eego xagga wacyi gelinta Bulshashada, isagoo xusay in ay door weyn ka ciyaareen baraarujinta Dad weynaha.

Wasiir maareeye ayaa sheegay in ay wasaaraddiisu si buuxda ula shaqayn doonto golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories