HomeWararMusharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo siweyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo siweyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa markii uu gaaray Musharax Qoorqoor waxaa ksuoo dhaweeyay Boqlaal shacab ah iyo Mas’uuliyiin ku sugan halkaas,waxaana safarkiisa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya. Musharax […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa markii uu gaaray Musharax Qoorqoor waxaa ksuoo dhaweeyay Boqlaal shacab ah iyo Mas’uuliyiin ku sugan halkaas,waxaana safarkiisa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Musharax Qoorqoor ayaa goob fagaallo ah ku taalla halkaas kula hadlay dadweyne farabadan oo kamid ah taageeryaashiisa,isagoo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay,waxaana isla goobta Caruur ay ku guddoonsiiyeen Ubax.

Sidoo kale Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  ayaa Madaxda dowladda Soomaaliya,Ahlusunna iyo Guddiga Shirkii dib u heshiisiinta Galmudug uga mahadceliyay dadaalka ay bixiyeen sidii dib u heshiisiin loogu sameeyn lahaa beelaha Galmudug,isla markaana loo dhisi lahaa Galmudug oo loo dhan yahay.

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah Musharax ay taageersan yihiin Madaxda dowladda Federaalka ayaa ballan qaaday hadii la doorto inuu ku shaqeyn doono siyaad degan oo la shaqeyn karta dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay kusii qul-qulayay Misharaxii badan oo u taagan qabasha xilka Madaxweynaha Galmudug,waxaana la filayaa in halkaas ay ka dhacdo Doorashada Galmudug.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories