HomeWararGolaha Wasiirada oo Ansixiyay ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019 & xisaab xirka Miisaaniyaddii...

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019 & xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018. Wasiirka maaliyadda XFS oo ugu horreyn golaha uga war bixiyay natiijadii wanaagsaneyd ee shirkii dhawaan Addis Ababab ku dhex maray […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018.

Wasiirka maaliyadda XFS oo ugu horreyn golaha uga war bixiyay natiijadii wanaagsaneyd ee shirkii dhawaan Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad ee SPM4 iyo meesha uu marayo qorshah dalka deynta looga cafinayo, ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay.

- Advertisement -

Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan.

Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada maanta goluhu ansixiyayna waxa ay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 Milyan oo doollar.

Inta Badan Kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar

- Advertisement -

Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa ahaa 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar.

Isbedelka guud ee dhanka kharashka ah ee ku yimid ku talagalkii miisaaniyadda 2019, waxaa qayb ka ah 9.5 Milyan oo ku korortay mushaaraadka iyo gunnada ciidamada iyo macallimiinta, 6 milyan oo loo qorsheeyeey maamulka hawada gudaha dalka kusoo wareegay, 8 Milyan oo dheeraad ah oo dowladda dhexe u qorsheysay dowlad gobaleedyada iyo 8 milyn oo dhisme iyo iibin dhulal iyo dhisme safaareed loo qorsheeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories