HomeWararSawirro:-Mid kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda oo la kulmay Wakiilka QM

Sawirro:-Mid kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda oo la kulmay Wakiilka QM

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyagoo ka wada hadlay guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshayaasha lagu dardargelinyo arrimaha ubaahan wada xaajoodyada siyaasadeed. Wasiir saalax ayaa sheegay in hay’adaha dastuurku ay isla meel dhigeen in ka […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyagoo ka wada hadlay guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshayaasha lagu dardargelinyo arrimaha ubaahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Wasiir saalax ayaa sheegay in hay’adaha dastuurku ay isla meel dhigeen in ka hor June 2020 la horgeeyo baarlamaanka dastuurka oo dhan kasta ka soo idlaaday. Sidoo kale, waxa uu xusay in dhowaan ay tagi doonaan gobolada si la iskula meel dhigo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed latashina ay kala  yeeshaan daneeyayaasha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed.

- Advertisement -

Dhanka kale, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Somalia James Swan ayaa bogaadiyay dadaalada geedi socodka dib-u-eegista dastuurka isagoo sheegay in kalmaddii uu ka jeediyay fadhiga UN-Ka uu ku xusay arrimaha dastuurka iyo dadaalada lagu dhammaytirayo,  isagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin taageerada sidii dastuurka loo dhamaytiri lahaa wadaxaajooodna looga geli lahaa arrimaha xasaasiga ah ee ku jira dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories