HomeCaalamkaSacuudiga oo ku biiraya isbaheysi ka howlgalaya Biyo mareeno Caalami ah

Sacuudiga oo ku biiraya isbaheysi ka howlgalaya Biyo mareeno Caalami ah

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Sacuudiga ayaa sheegay in ay ku biirayaan  isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka,si loo sugo amniga biyo marinada caalamiga ah ee Bariga Dhexe,ka dib weeraro lagu qaaday goobaha laga soo saaro saliidda shiidaalka.

Sarkaal u hadlay Warbaahinta dowladda dalka Sacuudiga oo aan la shaacin magaciisa aya xusay in Boqortooyada dalkaasi ay shaacisay in ay ka qeybgalayaan Dhismaha Amniga Caalamiga ee Badaha,iyadoo howlgalada ururkaasi ay horay ugu jireen Australia, Bahrain iyo Boqortooyada Dalka Ingiriiska.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa aas-aasay isbaheysi dalal dhowr ah ka dib kolkii la weeraray maraakiibta xamuulka ee qaada shiidaalka,taas oo saraakiil Mareykan ah ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan dalka Iiraan,halka dalkasi uu isna beeniyay in uu wax lug ah ku leeyahay weeraradaasi.

wasiirka tamarta ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada ay dhamaadka bisha soo celin doonto wax soo saarka saliida shiidaalka ee lumay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories