HomeWararKhasaaro ka dhashay Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khasaaro ka dhashay Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Caawa ka dhacay Isgoyska Xaaji Baasto ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa goobjoogayal ay sheegeen in la dhigay laamiga dhinaceeda gaar ahaan Maqaayad Cusub oo mar dhow la furay laguna magacaabo Al Caasimah,taasi oo ku […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Caawa ka dhacay Isgoyska Xaaji Baasto ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa goobjoogayal ay sheegeen in la dhigay laamiga dhinaceeda gaar ahaan Maqaayad Cusub oo mar dhow la furay laguna magacaabo Al Caasimah,taasi oo ku taalo Isgoyska Xaaji Baasto ee wadada Maka Al-Mukarama.

- Advertisement -

Ugu yaraan laba Askari oo ilaalo u aheyd Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarxaas,kuwaasi oo saarna gaari,isla markaana xiligaas mararay wadada iyo nin watay Mooto Bajaaj oo isna goobta ku sugnaa.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa,waxaana dhaawacyadooda loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Muqdisho.

Waa qaraxii labaad ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,iyadoo saakay qarax miino ah uu ka dhacay duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay gaari ay socdeen Injineerada dhiseysa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,waxaana ku dhaawacmay mid kamid ah Injineerada iyo Askar ilaalo u aheyd.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories