HomeWararSawirro:-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Cuman

Sawirro:-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Cuman

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka. Kulanka oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, […]

- Advertisement -

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka.

Kulanka oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Simad, Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda City ayaa looga hadlay hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada.

- Advertisement -

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay Horumarinta waxbarashada.

“Waxaa la fariistay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada, waxaan ka dhageystay hababka ugu macquulsan ee teknoolajiyaddooda ka caawin karto nidaamka waxbarashada dalkeena”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada XFS Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka Go,an taha in la helo waxbarasho tayo leh.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories