HomeWararSawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Muqdisho kula kulmay Mikhail Golovanov

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Muqdisho kula kulmay Mikhail Golovanov

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood. Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood.

Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay adkeyneyso xariirka qotada dheer ee kala dhexeeyay dowladda Ruushka.

Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saarey soo nooleynta iyo adkeynta xariirka kala dhexeeyay wadamada caalamka, si ummadda Soomaaliyeed ay u soo ceshato sharafta iyo karaamada ay ku laheyd fagaaraha caalamka.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories