HomeWararMadaxweynaha Puntland “Muddo Kororsi dalka kama dhici karo xiligaan”

Madaxweynaha Puntland “Muddo Kororsi dalka kama dhici karo xiligaan”

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxda dowladda Soomaaliya ee haatan talada dalka heysa ay doonayan inay sameeystaan muddo kororsi,hayeeshee waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaalida ay heshiis ku yihiin in afartii sanoba mar ay doorasho dhacdo […]

- Advertisement -

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxda dowladda Soomaaliya ee haatan talada dalka heysa ay doonayan inay sameeystaan muddo kororsi,hayeeshee waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaalida ay heshiis ku yihiin in afartii sanoba mar ay doorasho dhacdo kuna dhacdo xiligeeda,isla markaana xusay in uusan dalka xiligan ka dhici karin wax mudo kororsi ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland sheegay ayaa xiliyadii ugu dambeeyay dalka ay dhacayeen Doorashooyinka,kuwaasi oo lagu wada qanacsanaa,balse haatan aan la dooneyn in Madaxda dowladda ay sameeystaan mudo kororsi.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Deni ayuu tilmaamay in Puntland ay aragti ka yeelaneyso sida ay noqon doonto doorashada soo socota ee 2020-ka ee dalka ka dhaceysa.

“Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004 dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan inay dhacaan”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

- Advertisement -

Si kastbada halkan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxda sare ee dalka ka shaqeenayaan sidii ay mudo kororsi u sameyn lahaayeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories