HomeCaalamkaMadaxweynaha Afghanistan oo ka badbaaday Qarax Khasaaro geystay

Madaxweynaha Afghanistan oo ka badbaaday Qarax Khasaaro geystay

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyootay qarax uu qof is-miidaamiyey la beegsaday isu soo bax olole doorasho ah, oo uu madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ku qabtay gobolka Parwan.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxayna ka digtay rabshado dheeri ah, ka hor doorashooyinka ka dhacaya dalkaas.

- Advertisement -

Saacad kadib qaraxa ayaa sidoo kale qarax kale waxa uu ruxay bartamaha magaalada Kabul, meel u dhow safaaradda Mareykanka, inkasta oo weli aysan caddeyn khasaaraha ka dhashay

Qaraxyada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si deg deg ah u joojiyey wada-hadallo lala lahaa Taliban, oo lagu raadinayey heshiis ay ciidamada Mareykanka uga baxaan Afghanistan.

Qofka isku qarxiyey isu soo baxa gobolka Parwan – oo hal saac u jira waqooyiga Kabul – ayaa watay mooto, wuxuuna isku qarxiyey bar dadka lagu baaro oo laga galo goobta uu madaxweyne Ghani kula hadlayey daweynaha, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Nasrat Rahimi.

- Advertisement -

Agaasimaha isbitalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa AFP u sheegay in haween iyo caruur ay ka mid yihiin 24-ka qof ee dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawac yihiin.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa la sheegay inaanay wax dhibaato ah gaarin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories