HomeMaqalDhageyso:-Macwiisleyda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Dhageyso:-Macwiisleyda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa a sheegayaan in halkaas xalay dagaal Culus uu ku dhexmaray Kooxda la magac baxday Macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Deegaanka Ceel-waare […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa a sheegayaan in halkaas xalay dagaal Culus uu ku dhexmaray Kooxda la magac baxday Macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Deegaanka Ceel-waare oo ku yaalla Gobolka Hiiraan,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal socday mudo ka badan hal saac.

- Advertisement -

Maxamed Cali oo ah Saraal ka tirsan Kooxda la magac baxday Macwiisleyda oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalkan uu ka dhashay Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Sidoo kale Maxamed Cali ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay dagaalka uga dileen 4-dagaalame,halka dhankooda ay ka dhinteen laba dagaalame,isla markaana uu jiro dhaawacyo.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Maxamed Cali oo ah Saraal ka tirsan Kooxda la magac baxday Macwiisleyda in deegaanka lagu magacaabo Ceel-waare ay kala wareegeen Al-shabaab ayna ku sugan yihiin haatan Macwiisleyda,waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan ee soo kala gaaray Al—shabaab iyo Macwiisleyda,waxaana dhowr jeer sidaan oo kale dagaalo ay u dhexmareen labada dhinac,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin kala duwan.

Hoos ka Dhageyso Codka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories