HomeWararSawirro:-Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb?

Sawirro:-Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb?

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug,iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Amniga XFS, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ayaa garoonka diyaaradaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug,iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Amniga XFS, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Madaxweyne Farmaajo oo uu safarka ku wehliyey madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa soo xii doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dawlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay halkaas waxaa kulamo kala duwan ka qaadan doonaa Ergooyinka ka qeyb galayay Shirka,isagoo ka hadli doona cabashooyinka ay qabaan iyo arrimo kale oo quseysa Galmudug.

Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo farabadan oo qeyb ay ka yihiin Ciidanka Ilaalada gaarka Madaxweynaha ee Koofiyo Casta,Ciidanka Harmacad iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories