HomeWararSawirro:-RW Kheyre oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Somalia

Sawirro:-RW Kheyre oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Somalia

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay wakiillada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya, ayaa xog ka siisay socdaalkiisii Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dhanka loo jiheynayo horumarka dalka ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagala shaqeeyo. Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee Shababka iyo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay wakiillada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya, ayaa xog ka siisay socdaalkiisii Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dhanka loo jiheynayo horumarka dalka ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagala shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee Shababka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayaa wakiillada warbixin ka siiyay guulaha ay dowladdu ka gaartay dib-u-habeynta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

- Advertisement -

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la joogo xilligii Soomaaliya lagu caawin lahaa fursadaha maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo hir-gelinta kaabayaal dhaqaalaha, si loo yareeyo baahiyaha bini’aadninimo ee waqtiga fog.

Waxa uu intaa ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ay muhiim tahay in bulshada fursad loo siiyo in ay awood u yeelato wax soo saar dhaqaale, in dhallinyaradana shaqo abuur loo sameeeyo iyo maalgelinta la gaarsiiyo deegaannada ay ku noolyihiin bulshooyinka qaba baahiyada ugu daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo biyo yaraan ay ka jiraan deegaannada Huurshe iyo Xeraale ee dhawaan lagu guuleystay in la demiyo colaaddii sannadada soo jiitameysay, baahiya kale oo bulsho ay ka jiraan deegaannada uu socdaalka kusoo maray ee Koonfur Galbeed, ayna lagama maarmaan tahay in hay’adaha caalamiga ah ay si dhaqsa ah uga jawaabaan baahiyahaas bulsho.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in magaalada Xudur uu kusoo arkay bulsho sannaddo badan go’doonsaneed hase yeeshee la timid isku-tiirsanaan ay ku badbaadeen, ammaankoodana ku sugteen, isaga oo intaa raaciyay in ciidanka ku sugan Xudur ay u diyaarasanyihiin in ay xoreeyaan Bakool oo dhan hadii ay helaan qalabka ay u baahanyihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories