HomeWararSawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Burco

Sawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Burco

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo kuwo cusubna xarigga ka jaray. Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo kuwo cusubna xarigga ka jaray.

Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka Gobolka Togdheer, isaga oo xarigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.

- Advertisement -

Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha ee uu kormeeray iyo kuwa uu xarigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada, waxana ay si kal iyo laab u soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa hawlaha shaqo halkaas u jooga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories