HomeWararSawirro:-Hay’adda Save the Children oo Ceel Biyood ay ka faa’iideyteen 1600 oo...

Sawirro:-Hay’adda Save the Children oo Ceel Biyood ay ka faa’iideyteen 1600 oo Qoys ka hirgelisay Degmada Dayniile

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Munaasabad xariiga looga jarayay Ceel B0iyood ay ka faa’iideysteen in ka badan 1600 oo qoys una badan dad ka soo Barakacay degmyooyin kala duwan oo dalka ah isla markaa ay dhaceen dagaalo iyo abaaro ayaa maanta lagu qabtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha […]

- Advertisement -

Munaasabad xariiga looga jarayay Ceel B0iyood ay ka faa’iideysteen in ka badan 1600 oo qoys una badan dad ka soo Barakacay degmyooyin kala duwan oo dalka ah isla markaa ay dhaceen dagaalo iyo abaaro ayaa maanta lagu qabtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cumaan Libaax Ibraahim, Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Cali Jacfar, Cali Cabdi Weheliye oo ah madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children ee Muqdisho iyo boqolaal qoys ee ka faa’iideystay mashruucaan.

- Advertisement -

Wakiilka Hay’adda Save Save the Children Cali Cabdi Weheliye oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Ceelkaan ay qodday Hay’adda badbaadada Caruurta isla markaana ay kala shaqeysay wasaaraddda macdanta iyo Biyaha ee dalka Jarmalka,isaga oo tilmaamay in ay ku wareejiyeen Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Dayniile si ay ugu wareejiyaan dad si gaar ah u maamuli doona si daryeel loogu helo.

Dhinaca kale Cali Cabdi Weheliye ayaa sheegay in dhulka laga dhisay Ceelka ay ugu deeqeen dadka deegaanka iyo maamulka oo wadajira bilihii ugu horeyana uu daboolay cariiri ka jiray deegaanka oo dhinaca Biyaha ah,Ceelka waxa uu tilmaamay in uu leeyahay matoor ku shaqeeya soolarka dabka ka dhaliya ilayska cadceedda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha  ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyo hay’adda ka jawaabtay cabashada shacabka degan degmadaas oo u badan Barakacayaal dhibaatooyin kala duwan la daalaa dhacayo haba ugu darnaadaan Biyaha oo ay noshooda uga soo qaadi jireen meelo fog.

- Advertisement -

Ugu dambayntii Guddoomiyaha degmada Dayniile oo ka sheekeeyay qorshaha fulinta mashruuca ayaa sheegay in lagu diirsaday waxaana uu tilmaamay in shirkadda gaarka ah ee lagu wareejiyay ceelka ay ku Koontorooli doonaan Wasaaraddana uga mahadceliyay wadashaqeynta wasaaradda iyo Hay’adda daryeelka Caruurta ee Save the Children.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories