HomeWararMareykanka oo ka Jawaabaya weerarkii lagu qaaday Xarumo ku yaalla Sacuudiga

Mareykanka oo ka Jawaabaya weerarkii lagu qaaday Xarumo ku yaalla Sacuudiga

Date:

Related stories

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qoryahooda cabeysteen una diyaar yihiin inay ka jawaabaan weerarkii lagu qaaday mid ka mid ah goobaha ugu weyn shidaalka dalka Sacuudiga. “Waxaa jirta sabab aan ku aaminno inaan naqaan cidda weerarka fulisay” ayuu Trump ku yiri qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay Axaddii. Trump ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qoryahooda cabeysteen una diyaar yihiin inay ka jawaabaan weerarkii lagu qaaday mid ka mid ah goobaha ugu weyn shidaalka dalka Sacuudiga.

“Waxaa jirta sabab aan ku aaminno inaan naqaan cidda weerarka fulisay” ayuu Trump ku yiri qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay Axaddii.

- Advertisement -

Trump ayaa sheegay inuu Sacuudiga ka sugayo inuu ka maqlo cidda ay rumeysan yihiin inay ka dambeyso weerarka iyo nooca tallaabada ay ku xijin doonaan.

Goor sii horreysay, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa twitter-ka soo dhigay “Iran waxay iminka weerar aan caadi ahayn ku qaadday halka tamarta looga qeybinayo dunida”, isaga oo diiday sheegashada kooxda Xuutiyiinta ee weerarka.

Iran ayaa eedeymaha ku saabsan inay weerarka ka dambeyso ugu yeertay “been midda ugu weyn.”

- Advertisement -

Goobaha ay suurta-galka tahay in Sacuudiga iyo Mareykanka ay beegsadaan ee Iran “ayaa noqon kara xarumaha muhiimka ah ee shidaalka dalkaas lagu sifeeyo” waxaa sidaas VOA u sheegay Ali Shihabi oo ah aas-aasaha hay’adda Arabia Foundation.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories