HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta ay  gaaraan Magaalada Dhuusamareevb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo gudaha Magaalada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta ay  gaaraan Magaalada Dhuusamareevb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo gudaha Magaalada ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo socda tegayo halkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaro dhuusamareeb waxaa uu soo xiro doonaa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas,isla markaana looga tashanayay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Sidoo kale inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay halkaas waxaa kulamo kala duwan ka qaadan doonaa Ergooyinka ka qeyb galayay Shirka,isagoo ka hadli doona cabashooyinka ay qabaan iyo arrimo kale oo quseysa Galmudug.

- Advertisement -

Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo farabadan oo qeyb ay ka yihiin Ciidanka Ilaalada gaarka Madaxweynaha ee Koofiyo Casta,Ciidanka Harmacad iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories