HomeWararBurundi oo shaacisay tirada Askarta looga dilay weerarkii ka dhacay Sh/Dhexe

Burundi oo shaacisay tirada Askarta looga dilay weerarkii ka dhacay Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dowladda Burundi ayaa shaacisay tirada Askarta looga dilay weerarkii Maalin ka hor ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi. War ka soo baxay Dowladda Burundi ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo ka dhacay deegaanka Gololey oo ku yaalla inta […]

- Advertisement -

Dowladda Burundi ayaa shaacisay tirada Askarta looga dilay weerarkii Maalin ka hor ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

War ka soo baxay Dowladda Burundi ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo ka dhacay deegaanka Gololey oo ku yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar looga dilay 12-Askari oo ka tirsan Ciidankooda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa dhaawac ku noqday Askar kale oo ka tirsan Ciidanka Burundi,kuwaasi oo socdaalka ku marayay duleedka Degmada Balcad,hayeeshee uu qabsaday weerar dhabo ah oo uga yimid dagaalmayaasha Al-shabaab.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkii lala eegtay Kolonyada ay la socdeen Ciidamo AMISOM gaar ahaa kuwa Burundi,isla markaana ay ku dileen 14 Askari,halka tirro kalena ay ku dhaawaceen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories