HomeWararFaah faahin:-Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay duleedka Balcad

Faah faahin:-Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay duleedka Balcad

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qarax lagula eegtay Kolonyo  ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidanka AMISOM uu ahaa miino nooca dhulka aaso ah,isla makaana lagula eegtay deegaan lagu magacaabo […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qarax lagula eegtay Kolonyo  ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidanka AMISOM uu ahaa miino nooca dhulka aaso ah,isla makaana lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Garas-Deelle oo ku yaalla inta u dhexeysa Magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxas uu ka soo gaaray Ciidanka AMISOM,isla markaana waxaa qaraxa looga gubay mid kamid ah gaadiidii ay wateen.

Weerarka ka dhacay deegaanka Garas-Deelle ee duleedka Balcad ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo shalay tuulada Gololey qarax miino lagula eegtay gaari ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle,kuwaasi ku geeriyooday qaraxa.

Wadada u dhexeysa Magaalada Jowhar iyo  Degamda Balcad ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo miod toos ah oo lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, Saraakiil Ciidan,waxaana Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories