HomeCaalamkaDoorasho Madaxtinimo oo Maanta ka dhaceysa dalka Tunisia

Doorasho Madaxtinimo oo Maanta ka dhaceysa dalka Tunisia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Shacabka waddanka Tunisia ayaa maanta oo Axada ah codadkooda ka dhiibanaya doorashadi labaad oo xor ah oo abid dalkaasi ku yaalla Waqooyiga Africa ka dhacda. Doorashadan oo ah mid dimoqraadi ah, ayaa waxaa ku tartamaya ilaa iyo 26 musharrax oo laba kamida ahi yihiin dumar, waxana qofki ku guuleystaa uu baddali doonaa Beji Caid Essebsi […]

- Advertisement -

Shacabka waddanka Tunisia ayaa maanta oo Axada ah codadkooda ka dhiibanaya doorashadi labaad oo xor ah oo abid dalkaasi ku yaalla Waqooyiga Africa ka dhacda.

Doorashadan oo ah mid dimoqraadi ah, ayaa waxaa ku tartamaya ilaa iyo 26 musharrax oo laba kamida ahi yihiin dumar, waxana qofki ku guuleystaa uu baddali doonaa Beji Caid Essebsi oo geeriyooday bishii July ee aanu kasoo gudubnay.

- Advertisement -

Doorashadan ayaa imanaysa sideed sannadood kaddib kacdoonkii Guga Carabta ee kasoo bilowday isla dalkaan Tunsia.

Kacdoonkaas ayaa isbaddaladi uu ka sameeyay dalalka Carabta intooda badani noqdeen kuwo guuldarreystay, laakin Tunisia ayaa lagu tilmaamaa in kacdoonku uu u baddalay waddan xasilloon oo tusaale u ah dimoqraadiyadda.

Tunisia ayaa waxaa gumeystay Faransiiska, inti u dhaxeysay 1881-ki ilaa ay xorriyadda qaateen bishi March ee sannadki 1956-ki. Madaxweynihi ugu horreyayna wuxuu ahaa hogaamiyihii hore ee dalkaasi Habib Bourguiba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories