HomeWararC/raxmaan C/Shakuur oo fariin u diray Madaxda dowladda Federaalka

C/raxmaan C/Shakuur oo fariin u diray Madaxda dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay qaraxii shalay lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle,kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Balcad. C/raxmaan C/Shakuur ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyada ee Gobolka Sh/ Dhexe marxuum Cabdullahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabeelle marxuum Sabriye […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay qaraxii shalay lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle,kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Balcad.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyada ee Gobolka Sh/ Dhexe marxuum Cabdullahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabeelle marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale marxuum Xasan Baldoos,kuwaasi oo ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay deegaanka Gololey oo ku yaalla inta u dhexeysa Jowhar iyo Degmada Balcad.

- Advertisement -

“Runtii waa arrin murugo iyo xanuunkeeda wadata, sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale ay Al-shabaab duleedka magaalada Balcad ku dileen xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilawle, Xildhibaan Daahir C/lle Mukhtaar, iyo Gudoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle Muuse C/lle. Dhamaantood Allaha u naxariisto”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur

Sidoo kale Madaxda dowlada Soomaaliya ayuu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir in talada dalka la wareegtay iyadoo waddada Muqdisho iyo Jowhar isku xirta ay nabad tahay.

“Waa masuuliyad darri in maalin kasta masuuliyiin jidka lagu laayo, dawladduna ay iska fiirsato oo aysan waxba ka qaban, waxna ka soo qaadin. Waxaan ka dalbaneynaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay xil iska saaraan wax ma qabashada amni dari ee wadadaas ka taagan, muujiyaana dareen masuuliyadeed oo xilka ay hayaan u qalma”ayuu sii raaciyay halkiisa C/raxmaan C/Shakuur.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories