HomeCaalamkaAkhriso:-Mareykanka oo Eedeyn kulul u jeediyay Iiran

Akhriso:-Mareykanka oo Eedeyn kulul u jeediyay Iiran

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga. Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay. Wasiirka tamarta ee Sacuudiga […]

- Advertisement -

Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga.

Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay.

- Advertisement -

Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymahaasi ay hoos u dhigeen wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil – oo ah kala bar shidaalkii ay boqortooyadu dhoofin jirtay.

Warfidiyeenada ayaa sheegaya in weerarkan uu saamayn weyn ku yeeshay qiimaha saliidda ee caalamka.

Muuqaal halka weerarku dhacay laga duubay ayaa muujinaya dab weyn oo ka kacay warshadda Abqaiq, oo ah goobta ugu weyn ee sharikadda Aramco ay shidaalka ku sifayso, halka diyaarad kale oo aan duuliye lahayn ay sidoo kale duqaysay warshadda Khurais.

- Advertisement -

Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo reer Galbeedkuna ay taageeraan ayaa gacan siiya xukuumadda Yemen, halka Iran-na ay taageerto fallaagada Xuutiyiinta.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories