HomeWararXisbigii ugu horeeyay oo ka hadlay Qaraxii lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan...

Xisbigii ugu horeeyay oo ka hadlay Qaraxii lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddoomiyaha  Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) Gen.Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle. Gen. Muungaab ayaa tacsi u diray Ehelada,Asxaabta iyo Umadda Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiinta kala ahaa Guddoomiye kuxigeenkii dhanka Maaliyadda Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha  Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) Gen.Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle.

Gen. Muungaab ayaa tacsi u diray Ehelada,Asxaabta iyo Umadda Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiinta kala ahaa Guddoomiye kuxigeenkii dhanka Maaliyadda Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriiye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay Hay’ad  Samafal,kuwaasi oo ku dhintay qaraxii Maanta ka dhacay duleedka Balcad.

- Advertisement -

 “Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo Kan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Ehelada, Asxaabta Iyo Umadda Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiinta kala ah Guddoomiye kuxigeenkii dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriiye Cusmaan Iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay Hay’adaha Samafalka Gobolka”ayuu yiri Guddoomiyaha  Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.

Waxaa kaloo uu yiri “Alle SWT haka waraabiyo Naxariistiisa Jano, Eheladooda, Asxaabtooda iyo Umadda Soomaaliyeed na Samir iyo Imaan Alle haka siiyo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab Internet-ka ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay sheegteen Mas’uuliyada Qaraxii saakay lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle,kuwaasi oo qaraxa lala eegtay xili ay baxeen Degmada Balcad kuna sii jeedeen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories