HomeWararSawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo fariin u diray Bulshada Koonfur Galbeed

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo fariin u diray Bulshada Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud, iyo soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay maalmihii uu joogay magaalooyinka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud, iyo soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay maalmihii uu joogay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, in uu wax badan ka ogaaday adkeysiga, wadajirka iyo dowlad jaceylka bulshada Koonfur Galbeed, arrintaasina ay ku dhiirri gelineyso madaxda qaranka in laba jibbaaraan shaqada bulshada loogu adeegayo si looga dhabeeyo rejada wanaagsan ee shacabku ka qabaan soo kabashada nimaadka dowladnimo.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay kala ka shaqeyneyso dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, fulinta mashaariic horumarineed iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku suganyahay, si dhammaan deegaannada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Mudane Xasan Cali Khayre oo muda todobaad ah ku sugnaa deegaannada Koonfur Galbeed ayaa la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu ka dhageystay baahiyadooda, waxa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed, isaga oo bixiyay lacago lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta ee Dr. Ayuub iyo Dr. Waaberi ee magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories