HomeWararRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Marka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Marka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda oo ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ceel-jaale kusoo dhaweeyay Madaxweyne Lafta-gareen iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Intaasi kadib ayaa waxaa […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda oo ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ceel-jaale kusoo dhaweeyay Madaxweyne Lafta-gareen iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Intaasi kadib ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Degmada,halkaas oo kusoo dhaweyen Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha Magaalada Marka oo soo buux dhaafiyay halka loogu tala galay in lagu soo dhaweyo Xasan Cali Kheyre.

Ciidamada Nabadgelyada ayaa si aad ah u xoojiyay amniga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana shacabka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay qorsheeyeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dadweynaha kula hadlaan Barxadda Minishiibiyada magaalada Marka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories