HomeWararMadaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Duleedka Balcad

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Duleedka Balcad

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe. “Innaa Lillaahi […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

- Advertisement -

“Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Marxuumeenta Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories