HomeWararFaah faahin:-Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ku dhintay qaraxii Duleedka Balcad

Faah faahin:-Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ku dhintay qaraxii Duleedka Balcad

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Kolonyo ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Mas’uuliyiin kale lagula eegtay xili […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Kolonyo ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Mas’uuliyiin kale lagula eegtay xili ay marayeen deegaanka oo ku yaalla inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

- Advertisement -

Sidoo kale qaraxa ayaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana inta ku geeriyooday Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Sh/Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan,kuwaasi oo ka baxay Degmada Balcad kuna sii jeeday Magaalada Jowhar.

Waxaa kaloo la sheegay in qaraxa uu ku dhintay Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka oo ka howlaa Degmada,isla markaana ahaa Nin Caan ka ahaa gudaha degmadas.

Ciidamo iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Balcad ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyagona halkaas ka soo qaada Meydka Mas’uuliyiinta geeriyooday iyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.

- Advertisement -

Wadada u dhexeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Weeraro iyo qaraxyo lagu dilay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle,kuwaasi oo Mas’uuliyada sheegatay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories