HomeWararDad ku dhintay Madaafiic lagu garaacay Magaalada Marka

Dad ku dhintay Madaafiic lagu garaacay Magaalada Marka

Date:

Related stories

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta lagu qaaday weerar Madaafiic ah xili uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Weerarkaas Madaafiicda ahaa ee lagu garaacay Magaalada Marka ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah ay ku dhaceen Xaafado […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta lagu qaaday weerar Madaafiic ah xili uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Weerarkaas Madaafiicda ahaa ee lagu garaacay Magaalada Marka ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah ay ku dhaceen Xaafado ku yaalla halkaas,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Ugu yaraan laba ruux oo haween ah ayaa ku dhintay weerarka,halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dadka deegaanka Marka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in weerarka Madaafiicda ahaa ee soo qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Maanta ayaa waxaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Mas’uuliyiin kale oo socdaalka qeyb ka ahaa.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii la socday ayaa isla Maanta soo gaga-gabeeyay safarkii halkaas ay ku gaareen,waxaana inta uu ku sugnaa amniga Magaalada  uu ahaa mid aad loo adkeeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories