HomeWararMaxkamadda ugu sarraysa Maraykanka oo ogolaatay qorshaha soogalooti dhimista

Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka oo ogolaatay qorshaha soogalooti dhimista

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa maamulka Trump u ogolaatay qorsheyaasha aadka u xadidaya in dadka soo galootiga ah ay magangalyo dalbadaan. Sharcigan ayaa dhigaya in dadka ka imaanaya dal saddexaaad ay magangalyo halkaas waydiistaan ka hor inta aysan Maraykanka imaan. Waxaa jira dadaallo dhanka sharciga ah oo lagu diidan yahay qorshahan balse xukunkan ayaa […]

- Advertisement -

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa maamulka Trump u ogolaatay qorsheyaasha aadka u xadidaya in dadka soo galootiga ah ay magangalyo dalbadaan.

Sharcigan ayaa dhigaya in dadka ka imaanaya dal saddexaaad ay magangalyo halkaas waydiistaan ka hor inta aysan Maraykanka imaan.

- Advertisement -

Waxaa jira dadaallo dhanka sharciga ah oo lagu diidan yahay qorshahan balse xukunkan ayaa ka dhigan in dalka oo dhan laga hirgalin karo hadda.

Madaxweyne Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray arrintaasi waa “Guul wayn oo maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay ka soo hoyisay arrimaha xuduudaha iyo soogalootiga”.

 

- Advertisement -

Hadafyada waawayn ee uu lahaa Trump intii uu madaxweynaha noqday waxaa ka mid ahaa dhimidda dadka soogalootiga ah ee dalka Maraykanka, qayb wayn ayayna ka tahay qorshaha uu rabo in dib loogu soo doorto sannadka 2020.

Markii qorshahan la soo bandhigay bishii Luulyo ee sannadkan isla markiiba waa la hakiyay si uusan u dhaqan galin, sidaas darteed warbaahinta Maraykanka ayaa u aragta guul uu gaaray maamulka Trump.

Soogalootiga ka yimaadda bartamaha qaaradda Ameerika ayaa inta badan soo mara waqooyiga iyaga oo lugaynaya, iyaga oo Mexico sii dhexmara sidaasna xadka Maraykanka ku gaara. Dadkaas intooda badan waxay ka qaxayaan rabshado ama saboolnimo.

Isabadalladan ayaa ka dhigan in soogalootiga ka imaanaya Honduras, Nicaragua iyo El Salvador looga baahan yahay in ay marka hore magangalyo waydiistaan dalalka ay dariska yihiin ama Mexico. Balse sharcigaas ayaa sidoo kale qabanaya dadka ka yimaadda gobollada kale.

Ururka aan faa’iido doonka ahayn ee xuquuqda u dooda ee The American Civil Liberties Union, oo go’aankan ka soo horjeeda ayaa sheegay in arrintani ay aad u dhimayso dadka xaqa u yeelanaya in ay magangalyo dalbadaan.

“Sharcigan wuxuu qarka u saaran yahay in uu meesha ka saaro dadka magangalyada doonka ah ee dalka ka soo gala dhanka xadka Koonfureed, xataa dekedaha, dadka oo dhan ayuuna qabanayaa marka laga reebo muwaadiniinta Mexico.” Ayuu yiri ururkaas oo billaabay ol’ole uu kaga soo horeedo xukunka maxkamadda sare.

Waxaa wali magangalyo dalban kara qof walba oo magangalyo ka waayay dal saddexaad ama ay dhibaatto ka soo gaartay tahriibin sharci darro ah.

Siyaasaddan ayaa meesha ka saaraysa sharci muddo dheer soo jiray oo dhigayay in Maraykanku uu dhagaysto dadka magangalyo doonka ah siday doonaan xadka haku yimaadeen.

Sagaal garsoore ayaa u codaysay xukunkan waxaana ka soo horjeedsaday Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor oo kali ah.

“Mar kale ayay laan sare soo saartay sharci baalmaraya dhaqan wakhti dheer soo jiray oo khuseeya qaxootiga magangalyada raba iyaga oo ka soo cararaya caddaadis ama in si xun loola dhaqmo,” ayay qortay Sonia Sotomayor.

Dhanka kalana waxaa su’aalo laga keenay in Mexico iyo Guatemala ay xamili karaan qulqulka dadka magangalyo doonka ah.

Mexico ayaa ku celcelisay diidmada in ay Maraykanka u noqoto “dal saddexaad” arrintaas oo ka dhigan in marka hore ay ka baaraan degto dadka magangalyo doonka ah ee doonaya in ay Maraykanka galaan.

Xigasho BBC-Somali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories