HomeWararFaah faahin dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Faah faahin dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kaas oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Bam-Gacmeed lagu tuuray fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda horsed ee magaalada Beledweyne intaas kadibna ay rasaas is weydaarsadeen dagaalamayaal ka tirsan […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kaas oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Bam-Gacmeed lagu tuuray fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda horsed ee magaalada Beledweyne intaas kadibna ay rasaas is weydaarsadeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada dowladda fedraalka Somalia.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa dalsan u sheegay in dagaalku uu socday ku dhawaad 30-daqiiqo isla markaana ay arkayeen dad waxyeelo ka soo gaartay,waxaana markii dambe dib iskaga laabtay dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday Magaalada.

Xaaladda ayaa ah saakay mid aad u degan waxaana sidoo kale howlgallo sameynaya ciidamada dowladda fedraalka kuwaas oo baadi goob ugu jira dadkii ka dambeeyay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories