HomeWararXulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la Ciyaari doona dhiggiisa Zimbabwe

Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la Ciyaari doona dhiggiisa Zimbabwe

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhiggiisa dalka Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican Xulkeena qaranka Soomaliya maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Dalka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djabouti. Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay […]

- Advertisement -

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhiggiisa dalka Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican Xulkeena qaranka Soomaliya maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Dalka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djabouti.

Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul ka gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.

- Advertisement -

Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartooyda Soomaalida.

Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareegga groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray maalintii shalay.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa markaan tallaabo qurux badan qaaday,kadib markii ay xulka kusoo dareen dhawr ciyaartoy oo qurbaha ka ciyaarta,waana isbadalka laga dareemayo xulka oo tallaabo weyn qaaday.

- Advertisement -

Dhanka qaranka Zimbabwe waxey xulkooda dib ugu yeereen saddex ka mid ah ciyaartoydooda,kuwaas oo horay looga ganaaxay qaranka maadaama lagu eedeeyay iney mas’uul ka ahaayeen gadoodkii ay sameeyeen xiddigaha wadankaas ka hor bilowgii koobka qaaradda Afrika ee lagu qabtay Masar.

TAAGEERAYAASHA SOOMAALIDA:

Taageerayaasha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe,iyagoo ka ambabaxay Wadanka Koonfur Afrika,si ay taageero ugu muujiyaan qarankooda oo kulan dhimasho ah la ciyaaraya dhigooda Zimbabwe,Sida uu ku soo waramay wariyaha warbaahinta qaranka Koonfurta Afrika Cabduqaadir Axad.

dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa Boqolaal ayaa ka qeybgalaya daawashada ciyaartaasi oo siweyn loo sugayao,si ay taageero ugu muujiyaan Xulka qaranka Soomaliya oo maanta lugta labaad ee isreeb-reebka koobka aduunka 2022 kula ciyaaraya dhiggooda dalka Zambaabwi.

Si kastaba kulankan ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo,Magaalada Haraare ee Caasimadda dalka Zambabwi ayuuna kulankan ka dhacaya galabta 4:00 PM xiliga Geeska Afrika

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories