HomeWararWaddooyin ku yaalla Dhuusamareeb oo markii ugu horeysay lagu xiray Dhagxaan &...

Waddooyin ku yaalla Dhuusamareeb oo markii ugu horeysay lagu xiray Dhagxaan & Carro

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Wadooyinka muhiimka ah ee halkaas ku yaalla Maanta lagu arkay dhagxaan iyo Carro tuur badan. Ciidamo ka tirsan kuwii dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Dhuusamareeb ayaa la sheegay in dhagxaan iyo Carro ay ku xireen Waddooyinka waaweyn ee muhiimka ah […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Wadooyinka muhiimka ah ee halkaas ku yaalla Maanta lagu arkay dhagxaan iyo Carro tuur badan.

Ciidamo ka tirsan kuwii dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Dhuusamareeb ayaa la sheegay in dhagxaan iyo Carro ay ku xireen Waddooyinka waaweyn ee muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada.

- Advertisement -

Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan Dhuusamareeb Mowliid Macalin Xasan ayaa tilmaamay in Wadooyinka sida gaarka ah dhagxaanta Ciidamada ugu xireen ay qeyb ka tahay Xarunta uu ka socdo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo Madaxtooyada Maamulka iyo wadooyinka muhiim ah oo ay isticmaalaan Madaxda dowladda.

Sidoo kale Waddooyinka Ciidanka ay xireen ayaa waxaa kamid ah Waddo ay inta badan ku caweeyaan dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Dhuusamareeb.

Sababta loo dhigay Dhagaxaan iyo Caro turka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay si loo adkeeyo amaaanka dhuusamareeb,waxaana loo diidayaa in halkaas ay maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Waa markii ugu horeysay oo dhagaxaan iyo carro tuur lagu sameeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galgaduud tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay amnigga Magaaladaasi.

Dhinaca kale Arrintaan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay dadka shacabka ah ee halkaas kunool,isla markaana  waxaa ay sheegeen in aysan hore u arg arrin noocaan oo kale ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories