HomeWararSawirro:-RW Kheyre oo balan qaad u sameeyay shacabka Degmada Xudur

Sawirro:-RW Kheyre oo balan qaad u sameeyay shacabka Degmada Xudur

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo ee caasimada Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur ee xarunta gobaka Bakool. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Waasiirro, Xildhibaanno, maamulka gobalka Bakool iyo degmada Xudur, iyo dadweyne kale […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo ee caasimada Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur ee xarunta gobaka Bakool.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Waasiirro, Xildhibaanno, maamulka gobalka Bakool iyo degmada Xudur, iyo dadweyne kale ayaa garoonka uga hor tegay wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u jeedada socdaalkiisu yahay in wax badan uu ka ogaado baahiyaha ay qabaan bulshada Koonfur Galbeed, si loo fuliyo mashaariic horumarinteed oo waxtar u leh horumarka bulshada iyo deegaanka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa waxa uu kula hadlay garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi, waxa uuna maamulka iyo shacabka degmada Xudur iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ee wafdiga uu hoggaaminayo u sameeyeen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada Xudur ku ammaanay sida geesinimada iyo midnimada leh ee ay cadawga isaga xoreeyeen, magaaladana ay amni uga dhigeen, iyaga oo aan helin teegeero meel kale uga timid, ayaa ballan qaaday in dowladdu ay u sameyneyso mashaariic horumarineed oo ay qayb ka tahay casriyeynta Garoonka kubbadda Cagta Dr. Waaberi.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Xudur waxa uu la kulmayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka gobalka Bakool, si uu uga dhageysto xaaladda gobalka iyo talooyinkooda ku aaddan dib-u-kabashada deegaanka iyo guud ahaan dalka.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories