HomeWararSawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kormeeray Xarumo ku yaalla Garoowe

Sawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kormeeray Xarumo ku yaalla Garoowe

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Bangiga Dhexe ee dowladda, halkaasi […]

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Bangiga Dhexe ee dowladda, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Bangiga iyo hawl-wadeenada Bangiga oo ku gudajira shaqadooda, waxa uu booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay xaruntu.

- Advertisement -

Guddomiyaha Bangiga Cabdicasiis Ismaaciil Boos ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cimaan Karaash uu ku tegey Bangiga iyo kulan gaar ah oo ay wadaqaateen.

“Waxaa maanta kormeer noogu yimi Bangiga Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, booqashada Madaxweynaha ayaa qayb ka ahayd kormeer uu ku samaynaayey hay’addaha , wuxuu soo kormeeray waaxyaha, qaybaha, dhismayaasha iyo laamaha Bangiga”

“Intaasi markii ay soo idlaatay waxaanu Madaxweynaha wada-qaadanay shirgaara ah, waxaanu siinay warbixino la xiriira sida ay shaqadu u socoto iyo sidii Bangiga loo casriyeynlahaa si uu ula jaanqaado Bangiyada kale” Ayuu yiri Guddomiyaha Bangiga Dowladda Cabdicasiis Ismaaciil Boos.
Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray Taliska ciidanka Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.

- Advertisement -

Muxiyadiin Axmed Muuse, Ku-xigeenadiisa iyo taliyaha qaybta gobolka Nugaal G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uu intaasi kadib kulan gaar ah la qaatay masuuliyiintaasi iyo hogaanada kale ee ciidanka Booliska Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories