HomeWararMadaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqay Howlgal lagu furayo Wadooyin xiran

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqay Howlgal lagu furayo Wadooyin xiran

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada AMISOM gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qada Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Golle ee Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada AMISOM gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qada Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Golle ee Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida qeybihiisa kale duwan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta Muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la isku furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ugu jira Al-shabaab.

- Advertisement -

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inta Soomaaliya amaankiisu uusan hagaagsaneyn in Geeska Africa aysan nabad noqoneyn taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan Gobolka uu hagaagay.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay Wadamada qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee naftooda noo huray in Amni aan ku naaloono, si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira.

Ugu dambeynta Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay Xubnaha Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo AMISOM.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories