HomeWararCiidanka dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Gedo

Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Gedo

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wararka aan ka heleyno Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay,kadib markii rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Garbahaarey,isla markaana waxaa halkaas ka dhacay dagaal […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay,kadib markii rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Garbahaarey,isla markaana waxaa halkaas ka dhacay dagaal saacado kooban qaatay,wallow markii dambe uu istaagay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoog oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Saldhiga Degmada Garbahaarey Cabdi Xakiin Maxamed Cumar “Caano koosto” ayaa sheegay in weerarkii uga yimid Al-shabaab ay iska difaaceen,isla markaana haatan xaalada deegaanka ay tahay mid degan.

Sidoo kale Taliye  Caano koosto ayaa sheegay in Al-shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka dileen laba dagaalame,sidoo kalena dhankooda uu hal Askari dhaawac Culus ka soo gaaray.

- Advertisement -

Dhinaca kale ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories