HomeWararDowladda Somalia oo War kasoo saartay in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii Garoonka...

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii Garoonka Muqdisho Stadium

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa qaar kamid ah warbaahinta gudaha waxaa ay baahiyeen warar sheegaya in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium oo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu waday dib u dhis. Hayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararkii la xariiray in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii Garoonka Muqdisho Stadium,isla markaana waxaa […]

- Advertisement -

Saacadihii la soo dhaafay ayaa qaar kamid ah warbaahinta gudaha waxaa ay baahiyeen warar sheegaya in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium oo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu waday dib u dhis.

Hayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararkii la xariiray in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii Garoonka Muqdisho Stadium,isla markaana waxaa Maanta halkaas booqday Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaalia Khadiijo Maxamed Diiriye,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta booqday Garoonka Muqdisho Stadium oo uu ka socdo dib u dayactir.

Sidoo kale Madaxdii halkas tegay ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta gudaha ee ahaa in la joojiyay dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa Muddooyinkii dambe waday qorshe dib u dayactir loogu sameeynayo Tuulada Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee ku yaalla Degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories