HomeMaqalDhageyso:-Maxaa ka jira in la sii daayay raggii ka dambeeyay dilkii iyo...

Dhageyso:-Maxaa ka jira in la sii daayay raggii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii Caa’isha Ilyaas?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada gaar ahaan barta Muuqaalka ee Youtube-ka lagu faafiyay warar sheegaya in la sii daayay Ragii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii loo geystay Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Xeer ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Ow Cismaan ayaa been abuur ku tilmaamay Wararka […]

- Advertisement -

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada gaar ahaan barta Muuqaalka ee Youtube-ka lagu faafiyay warar sheegaya in la sii daayay Ragii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii loo geystay Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Ow Cismaan ayaa been abuur ku tilmaamay Wararka sheegaya in lasii daayay ragii xukumanayaasha ahaa ee ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii Caa’isho Ilyaas.

- Advertisement -

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud Puntland ayaa tilmaamay in uu Arkay qof haweeney ah oo laga wareysanayo Youtube-ka,isla markaana sheegeysa in Maxkamadda Puntland la laaluushay, lana sii daayay ragii ka fuliyay falkaas.

Isaga oo sii hadlaayay Maxamuud Ow Cismaan ayuu sheegay in Kiiskiisa Marxuumad Caa’isha uu ka soo dhamaaday Maxkamadaha Puntland,isla markaana ragii ka dambeeyay ay ku jiraan gacanta Puntland ayna suganyan oo kaliya in xukunkii Dilka ahaa ee lagu riday lagu fuliyo.

Si kastaba hadlkan Xeer ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Ow Cismaan ayaa waxaa ku soo aadayaa,iyadoo baraha Bulshada gaar ahaan barta Muuqaalka ee Youtube-ka lagu faafiyay warar sheegaya in la sii daayay ragii  xukumanayaasha ahaa ee ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii Caa’isho Ilyaas.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories