HomeWararWasiirka Maaliyadda Somalia oo u ambabaxay Addis Ababa iyo Ujeedka Safarkiisa

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo u ambabaxay Addis Ababa iyo Ujeedka Safarkiisa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Maaliyadda X.F.S Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuuna kula kulmi doonaa kooxda wada hadalka danyn cafinta u qaabilsan hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoon doonaa wajiga afaraad ee Barnaamijka  daynta cafinta Soomaaliy (SMP4). Ujeedada kulanka ayaa ah in si gaar […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda X.F.S Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuuna kula kulmi doonaa kooxda wada hadalka danyn cafinta u qaabilsan hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoon doonaa wajiga afaraad ee Barnaamijka  daynta cafinta Soomaaliy (SMP4).

Ujeedada kulanka ayaa ah in si gaar looga wada hadlo wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xiran wada hadalka dayn cafinta wajiga afaraad , sidoo kale waxaa wadahadalka dhanka xukuumadda Soomaaliya  ka qayb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Banggiga dhexe ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Ka hor kulamada wada hadalka dayn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kullamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hay’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada daymaha ku leh Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka dayn cafinta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories