HomeWararSawirro:-Saraakiil Ciidan oo gaaray Baladweyne lana kulmay Madaxweyne Waare

Sawirro:-Saraakiil Ciidan oo gaaray Baladweyne lana kulmay Madaxweyne Waare

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa gaaray Cutubyo ka tirsan Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo ruuqaansaday Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Ciidanka gaaray Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha qeybta qeybta 21-aad ee Ciidanka dalka Soomaaliya C/Casiis Cabdullaahi Qooje,Taliyeyaasha Guutada 13aad Guutada 15aad, Taliyaha Ururka 21aad […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa gaaray Cutubyo ka tirsan Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo ruuqaansaday Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ciidanka gaaray Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha qeybta qeybta 21-aad ee Ciidanka dalka Soomaaliya C/Casiis Cabdullaahi Qooje,Taliyeyaasha Guutada 13aad Guutada 15aad, Taliyaha Ururka 21aad ee Danab iyo Saraakiil kale oo Ciidan.

- Advertisement -

Ujeedka Ciidamadan u gaareen Baladweyne ayaa waxa ay tahay sidii ay qeyb noqon lahaayeen howlgal ka dhan Al-shabaab oo dhawaan laga bilaabi doono deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle ay kaga sugan yihiin.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xafiiskiisa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay Saraakiisha Qaybta 21aad iyo kuwa Danab oo halkaas gaaray.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka C/Casiis Cabdullaahi Qooje ayaa Madaxweyne Waare uga warbixiyay Ujeedkooda iyo Howlaha Ciidamadu ka wadaan Gobolada Dhexe gaar ahaan Deegaanada Galmudug.

- Advertisement -

Madaxweyne Waare ayaa ugu dambeyn ku booriyay Howlaha Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle,isagoona bogaadiyay qorshada dowladda ee isku dhafka Ciidanka Qaybaha 27aad iyo 21aad ee Xoogga dalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories