HomeWararSawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Ururrada Dhallinyada Magaalada Baydhabo

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Ururrada Dhallinyada Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taallada duleedka magaalada Beydhabo, kula kulmay ururrada dhallinyarada ee ka jira caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed. Dhallinyarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo amni, waxa ayna ka codsadeen in dowladdu ay wax ka qabato baahiyaha […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taallada duleedka magaalada Beydhabo, kula kulmay ururrada dhallinyarada ee ka jira caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhallinyarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo amni, waxa ayna ka codsadeen in dowladdu ay wax ka qabato baahiyaha taagan, si bulshada ku nool koonfur Galbeed ay u helaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada ku boorriyay in ay isu abaabulaan ka shaqeynta dowlad wanaagga iyo mustaqbalka ummadda, ayaa la wadaagay qorshayaasha dowladda uga degsan ka shaqeynta horumarinta arrimaha bulshada iyo sida ay u kala horreeyaan qorshayaasha fulinta iyo dhaqan gelinta barnaamijyada horumarineed ee qaybta ka ah qorshaha dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu la kulmay, la xariiriyay wasaaradaha ku shaqada leh baahiyada ay u soo gudbiyeen, waxa uuna faray wasaarahada dowladda federaalka ah, in baahiyahaas taagan si deg deg ah wax looga qabto.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories