HomeWararSawirro:-Kulan looga hadlay Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho

Sawirro:-Kulan looga hadlay Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo ka qeyb galay Kulanka Wadatashiga Arrimaha Webiyada dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Dowladda ee arrinkan u xilsaaran in lagu sugayo sahan dhammeystiran iyo siyaasadda ku aaddan ka faaiideysiga wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiru Dowlaha […]

- Advertisement -

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo ka qeyb galay Kulanka Wadatashiga Arrimaha Webiyada dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Dowladda ee arrinkan u xilsaaran in lagu sugayo sahan dhammeystiran iyo siyaasadda ku aaddan ka faaiideysiga wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Khuburo ka tirsan Jaamacadaha dalka, Guddiga Diblumaasiyadda Biyaha Xuduudaha ka Gudba iyo Wasaaradaha la shaqeeya, Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ah iyo Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay khayraadka biyaha ayaa lagu soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo ku wajahan diyaarinta siyaasadda biyaha, hannaanka wadaagga biyaha xuduudaha ka gudba ee dalalka dariska ah iyo tayeynta Guddiga heer Qaran ee arrinkas u xilsaaran.

- Advertisement -

“Shirkani diirada ma saarayo biyaha webiyada oo kelliya ee waxa uu ku saabsan yahay in aan yeelanno siyaasadda ka faaiideysiga biyaha. Waxaa muhiim ah in aan kala hadalno dalalka aan deriska nahay sidii aynu u wadaagi lahayn biyaha wabiyada ee naga dhexeeya, taasna waxaa aasaas u ah in aan marka hore wadatashi iyo xog-isweydaarsi dhexdeenna ah ka yeelanno” Ayuu yiri Dr.Fuursade

Agaasimaha ayaa tilmaamay in ay nasiib darro tahay in dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan abaaro iyo caqabado biyo yaraan ah, iyadoo dalkeennu uu kulaalo xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika, sidoo kalena ay ku burqamaan wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories