HomeWararRW Kheyre oo kormeeray Qaar kamid ah Wasaaradaha Koonfur Galbeed

RW Kheyre oo kormeeray Qaar kamid ah Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Kormeerka Ra’iisul Wassaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas. Wasaaradaha uu booqday Xasan Cali Kheyre […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kormeerka Ra’iisul Wassaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.

- Advertisement -

Wasaaradaha uu booqday Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa kamid ahaa Wasaaradaha Maliyada iyo Qorshaynta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana waxaa kusoo dhaweeyay Madaxda Wasaaradaha iyo shaqaalaha ka shaqeya

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kormeer ku tegay Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo,isagoona ku soo wareegay Xafiisyada kala duwan ee leedahay Xarunta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan Magaalada Baydhabo inuu kormeer kale ku tego Goobo muhiim ah oo ku yaalla halkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories