HomeWararOdayaasha Baladweyne oo ka soo horjeestay Amar ka soo baxay Dowladda Federaalka

Odayaasha Baladweyne oo ka soo horjeestay Amar ka soo baxay Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha dhaqanka Hiiraan,waxaana kulankooda ay uga hadleen Amar dowladda ku bixiyay in Ciidamo looga qaado Magaalada Baladweyne. Odayaasha dhaqanka Magaalada Baldweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa ka horyimid Amarka dowladda Soomaaliya ku bixisay in Ciidamo laga daabulo Baladweyne,isla markaana la geeyo deegaano […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha dhaqanka Hiiraan,waxaana kulankooda ay uga hadleen Amar dowladda ku bixiyay in Ciidamo looga qaado Magaalada Baladweyne.

Odayaasha dhaqanka Magaalada Baldweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa ka horyimid Amarka dowladda Soomaaliya ku bixisay in Ciidamo laga daabulo Baladweyne,isla markaana la geeyo deegaano ka tirsan Galgaduud gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Sidoo kale Odayaasha ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in faragelin ay ku heyso shacabka Magaalada Baladweyne,taasina ay tilmaameen in ay tahay wax aan dul-qaadan karin.

Waxaa kaloo Odayaasha ay dalbadeen in Magaalada ay si deg deg ah uga baxaan Saraakiil ka socota dowladda dhexe oo ku sugan Baladweyne,isla markaana xalay halkaas gaaray.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ka soo horjeedaan in Ciidamo lagu daabulo Gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

Ciidamada la sheegay in loo qaadayo Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in aysan hubeysneyn,hayeeshee dowladda ayaa sheegtay in wixii hub iyo agab ciidan ah loo dhameystiri doono marka ay tagaan deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories