HomeWararFaah faahin:-Dil ka dhacay Magaalada Baydhabo

Faah faahin:-Dil ka dhacay Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka  Booliska Koonfur Galbeed halkaas uu ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa shacab. Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Gelinkii dambe ee Maanta,isl markaana waxaa geystay askari ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo rasaas qeybaha Sare ee […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka  Booliska Koonfur Galbeed halkaas uu ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa shacab.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Gelinkii dambe ee Maanta,isl markaana waxaa geystay askari ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo rasaas qeybaha Sare ee Jirka ugu dhuftay Ninka shacabka ahaa.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Marxuumka la dilay uu watay gaari nooca raaxada ah,waxaana lagu toogtay meel u dhaw garoonka kubadda Cagta ee Dr Ayuub, halkaasi ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qaar kamid ah Ehelada Ninkaas ayaa goobta uu falka ka dhacay tegay,iyagoo halkaas soo qaaday Meydka Marxuumka.

Dhinaca kale warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in markii uu ka dhacay falka dilka ahaa kadib hawada laga saaray shirkadaha Isgaarsiinta Magaalada Baydhabo iyo kuwa Internet-ka,welina lama oga sababta keentay arrintaas.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dilkii ka dhacay meel u dhaw garoonka kubadda Cagta ee Dr Ayuub xili uu halkaas ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories