HomeWararC/raxmaan C/Shakuur “Waa in uu Magdhow ka bixiyo RW Kheyre dadkii lagu...

C/raxmaan C/Shakuur “Waa in uu Magdhow ka bixiyo RW Kheyre dadkii lagu laayay Baydhabo Sanadkii hore”

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay Safarkii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku tegay Magaalada Baydhabo. C/raxmaan Cabdi shakuur oo War qoraal ah kusoo qoray bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Koonfur Galbeed ay uga fadhiyaan inuu magdhaw ka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay Safarkii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku tegay Magaalada Baydhabo.

C/raxmaan Cabdi shakuur oo War qoraal ah kusoo qoray bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Koonfur Galbeed ay uga fadhiyaan inuu magdhaw ka bixiyo dadkii sanadii hore ee 2018 lagu laayay Magaalada Baydhabo xiligii ay socdeen ololaha Doorashadii Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxda dowladda ugu baaqay inay fuliyaan balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay si wadajira ah u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaaa in uu garawshiyo ka bixi, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wadajira u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka”ayuu yiri C/raxmaan C/abdi Shakuur.

Dabayaaqda Bishii December ee 2018 ayay aheyd markii Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay,kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac,isla markaana ka dhashay Xarig loo geystay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,kaasi oo xiligaa ahaa mid kamid ah Musharaxiintii Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories