HomeWararBoqorka Sacuudiga oo Wiilkiisa u magacaabay Xil Wasiir

Boqorka Sacuudiga oo Wiilkiisa u magacaabay Xil Wasiir

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Boqor Salmaan Bin C/Casiis waxa uu soo saaray Wareegto uu wiilkiisa Amiir C/casiis ugu magacaabay Wasiirka cusub ee Tamarta, waana markii ugu horreysay ee Amiir ka tirsan qoyska xukuma Sacuudiga ee Al-Sacuud uu madax ka noqo Wasaaradda Tamarta. Wasiirka cusub waxa uu ka weyn yahay Walaalkiisa ay isku Aabaha yihiin ee Amiir Maxamed Bin Salmaan, […]

- Advertisement -

Boqor Salmaan Bin C/Casiis waxa uu soo saaray Wareegto uu wiilkiisa Amiir C/casiis ugu magacaabay Wasiirka cusub ee Tamarta, waana markii ugu horreysay ee Amiir ka tirsan qoyska xukuma Sacuudiga ee Al-Sacuud uu madax ka noqo Wasaaradda Tamarta.

Wasiirka cusub waxa uu ka weyn yahay Walaalkiisa ay isku Aabaha yihiin ee Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo ah Ninka ugu awooda badan Sacuudiga ee ay ka go’do Talada iyo Maamulka Sacuudiga.

- Advertisement -

Wasiirka cusub ee Tamarta, Amiir C/Cassius oo takhasus u leh Hawlaha Tamarta waxa uu ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Batroolka iyo Macdanta ee King Fahad University of Petroleum and Minerals.

Waxa uu xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Tamarta, Khaalid Al-Falix, kaasi oo maalmo ka hor laga qaaday xilka Guddoomiyaha Shirkadda Shidaalka Dowladda Sacuudiga ee ARAMCO.

Dhinaca kale, Boqor Salmaan waxa uu maanta soo saaray Wareegto Boqortooyo oo uu xilka kaga qaaday Wasiir-ku-xigeenkii Tamarta, C/casiis Al-Kariim.

- Advertisement -

Boqorka weli ma magacaabay Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga.

Magacaabista Wasiirka cusub ee Tamarta Sacuudiga ayaa ah mid ku cusub dalkaasi, maadaama shanti Wasiir ee isaga dambeeyey xilkaasi ran iyo sanadkii 1960-kii uusan midkoodaba ka soo jeedin Qoyska haya Talada Boqortooyada Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxaa soo food saaray Dhaqaale-xumo dhanka Shidaalka, waxayna inta badan sannadkan 2019-ka soo saaraan maalintiiba wax ka yar 10 milyan oo Barmiil oo shidaal, kaasi oo ka hooseeysa Hiigsiga Dowladdaha ku bahoobay Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka Caalamka ee OPEC.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories