HomeWararWasiir Goodax Barre "Ardayda Puntland waa heli doonaan Shahaadada dugsiga Sare ee...

Wasiir Goodax Barre “Ardayda Puntland waa heli doonaan Shahaadada dugsiga Sare ee DFS”

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa , oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa maanta xafiiskiisa wada-hadal kula yeeshey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre,iyada oo wadahadallada diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa cabashada Ardayda Puntland ee shahaahada Dugsiga sare. Kullanka […]

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa , oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa maanta xafiiskiisa wada-hadal kula yeeshey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre,iyada oo wadahadallada diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa cabashada Ardayda Puntland ee shahaahada Dugsiga sare.

Kullanka ayaa is-afgarad ku dhammaaday, waxaana wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sida ugu dhow ee Ardayda Puntland ay shahaadada ku heli lahaayeen.

- Advertisement -

“Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa uga mahadceliyay wasiirka waxbarashada ballanqaaday ku aaddan inay Ardaydu heli doonaan shahaahada dugsiga sare,isaga oo markaa caddeeyay inuu labbo laabi doono dadaallada xalka kama dambeysta ah looga gaarayo cabashada shahaadada ee Ardayda Puntland.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories