HomeWararShaqaale Hay'ad Samafal oo lagu dilay Itoobiya

Shaqaale Hay’ad Samafal oo lagu dilay Itoobiya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hay’adda Ka-hortaga Gaajada ee Action Against Hunger waxay shaacisay in 2 ka tirsan shaqaalahooda lagu dilay Gobalka Gambela ee dalka Ethiopia. Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Action against Hunger soo saartay ayey ku sheegtay in shaqaalahaasi jidka loo galay subaxnimadii Khamiista aheyd ee lasoo dhaafay, xilli ay ku sii jeedeen Xaruntooda lagu quudiyo carruurta nafaqo-darada hayso […]

- Advertisement -

Hay’adda Ka-hortaga Gaajada ee Action Against Hunger waxay shaacisay in 2 ka tirsan shaqaalahooda lagu dilay Gobalka Gambela ee dalka Ethiopia.

Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Action against Hunger soo saartay ayey ku sheegtay in shaqaalahaasi jidka loo galay subaxnimadii Khamiista aheyd ee lasoo dhaafay, xilli ay ku sii jeedeen Xaruntooda lagu quudiyo carruurta nafaqo-darada hayso ee lagu magacaabo Nguenyyil Centre ee Gobalka Gambela.

- Advertisement -

Hay’addaasi oo Ethiopia ka shaqayn jirtay tan iyo sannadkii 1985-kii waxay ku dhawaaqday inay joojiyeen hawshii ay ka wadeen xaruntaasi, marka laga reebo Hawlaha Gargaarka Degdega ah.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi waxay bilaabeen baaritaanka dadkii geystay dilkaasi, kuwaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Hay’adda Ka-hortaga Gaajada ma aysan sheegin shaqaalaha la dilay inay Ajaaniib ahaayeen iyo inay Ethiopian ahaayeen.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories