HomeWararSawirro:-RW Kheyre oo Baydhabo kula kulmay Safiirada & Wakiillada Caalamka ee Somalia

Sawirro:-RW Kheyre oo Baydhabo kula kulmay Safiirada & Wakiillada Caalamka ee Somalia

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbeed, waxa uu magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbeed, waxa uu magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed.

Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay oo Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, ayaa ballan qaaday in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed.

Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo dhawaan lagu qabanayo Muqdisho.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories